Alaha u naxristo sheikh Aadan Xaashi Faarax Cayrow iyo intii la shahiiday.
Waxa sii kordhay tirada dimashada dadkii ku geeriyooday duqeyntii xalay diyaaradaha Maraykanku u gaysteen Magaalada dhuusa mareeb ee gobolka galgaduud halkaasoo lagu bartilmaameedsanayay xarun uu dhaqdhaqaaqa Al shabaab ku lahaa Magaalada dhuusa mareeb.
Dad dhaawacyo weerarkaasi ka soo gaareen ayaa ku geeriyooday isbitaalada Magaalada dhuusa Mareeb.
In ka badan 10 oo isagu jira Mas’uuliyiin ka tirsan Kooxda Al shabaab oo uu ka mid yahay hogaamiyihiin Al shabaab sheikh Aadan Xaashi Faarax Cayrow ayaa ku geeriyooday duqeyntii diyaaradaha maraykanka ay xalay ka gaysteen degmadaasi.
Taliska dhexe ee ciidamada maraykanka ayaa sheegay in iyagu ay ficilkaasi ka dambeeyay iyadoo sida uu hadalka u dhigay sargaal maraykanka ah ay bartilmaameesadeen xubno sare oo la yaqaano oo ka tirsan Al qaacidada soomaaliya.
Dhinaca kale Maxkamada islaamka ayaa ka hadlay weerarkii xalay lagu dilay xubno ka tirsan ururka Al shabaab kaasoo ay ku tilmaameen inuu ahaa mid fulay nimo ah.
Sheikh Maxamuud sheikh Ibraahim Suulay oo ah afhayeenka Maxkamadaha islaamka ayaa waxa uu sheegay in Maraykanka iyo dad la shaqeeya ay cadaawad dheer u qabaan umada soomaaliyeed taasina ay mar qaati u tahay weerarka ciidamada cirka maraykanka ay ku qaadayaan deegaano ka mid ah dalka soomaaliya.
Afhayeenka Maxkmadaha waxa uu sheegay in Maraykanku uu baabiyay hanti soomaaliyeed iyo dad soomaaliyeed islamarkaana waxa uu sheegay in iyagu ay aad uga xumaadeen weerarkii xalay isagoo intaasi ku daray inay sii wadayaan dagaalada ay kala horjeeda ciidamada shiyeeye ee jooga soomaaliya iyo kuwa dowladda kmg ah ee soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in danta cadowga soomaaliyeed ay soo jirtay tan iyo markii soomaaliya cagaheeda isku taagtay isagoo waliba carabka ku dhuftay in maraykanku ka dambeeyay dhicitaankii dowladda Maxamed siyaad Barre xiligaas oo uu tilmaamay in Maraykanka iyo itoobiya ay Jamhado ku kiciyeen dowladii soomaaliya.
Maxkamaduhu waa garab ka mid ah xoogaga sida wayn u diidan siyaasada dowladda kmg ah iyo ciidamada itoobiya ee jooga soomaaliya.
Dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Al shabaab ayaa xaqiijiyay in mas’uuliyiin ka tirsan dhaqdhaqaaqaasi oo uu ka mid yahay Aadan Xaashi Cayrow ay kaga shahiideen duqeyn ay diyaaradaha Maraykanka xalay u gaysteen guri ay ku jireen Mas’uuliyiintaasi oo kuyaalay Magaalada dhuusa-mareeb ee gobolka G/gaduud.
Afhayeenka dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Al shabab sheikh Muqtaar roobow abuu Mansuur oo saakay qadka teleefonka kula hadlayay saxaafada ayaa ka warbixiyay weerar duqeyn ah oo diyaaradaha Maraykanka xalay u gayteen guri ay kusugnaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al shabab oo uu ka mid yahay aadan Xaashi Cayrow.
Sheikh Muqtaar roobow oo ka waramayay khasaarihii ka dhashay duqeyntaasi ayaa sheegay inay halkaasi ay kaga shahiideen sheikh Aadan Xaashi cayrow iyo Mas’ulul kale oo ka tirsan dhaqdhaqaaqaasi Al shabaab,hase ahaatee sheikh muqtaar roobow ayaa wacad ku maray inay sii wadi doonaan howlgalada ay kaga soo horjeedaan dowladda kmg ah ee soomaaliya iyo joogitaanka ciidamada shosheeye ee dalka.
"Isha allaahu dhamaan waxan u sheegayaa umada soomaaliyeed iyo guud ahaan mujaahidiinta in ay shahiideen labo walaal,runtii qiimo wayn ku lahaa mujaahidiinta dhexdooda kuwaas oo kala ah Al- Sheikh Muxudiin Maxamuud Cumar iyo walaalkeen mujaahidkii shabaabka ahaa Macalin Aadan Xaashi faarax cayrow". sidaasi waxa sheegay afhayeenka Al shabaab sheikh Muqtaar.
Sheekha ayaa intaasi ku daray in hadii uu shahiiday sheikh Aadan xaashi ay noolyihiin ragii uu soo tababaray islamarkaana waxa uu sheegay in jidka ay hada ku socdaan ay ku socon doonaan inta ay noolyihiin isagoo sheegay Sheikh Muqtaar Roobow inay tahay wadadii xaqa ahayd.
Wararka laga helayo Magaalada dhuusa mareeb ee gobolka G/gaduud ayaa sheegaya in duqeyntaasi oo bilaabatay xalay sadexdii habeenimo ay dadka deegaanku sheegeen inay maqlayeen dhawaqa daryanka madaafiicda diyaaradaha maraykanka ee lala eegtay guriga ay ku jireen xubnahaasi sare ee Al shabaab kaasoo gabi ahaanba la sheegay in burbur wayn uu soo gaaray islamarkaana ilaa hada la baadi goobayo meydadka dadkii halkaasi kusugnaa iyadoo la rumaysan yahay in tirada meydadka ay intaasi ka sii badan tahay.
Aadan Xaashi Cayrow oo muddooyinkii ugu dambeeyay ka mid ahaa raga maraykanku daba joogo islamarkaana maraykanku u aqoonsaday inuu ka mid ah yahay ururka Al-Qaacida ayaan la ogayn waxa ay ka bedeli doonto geeridiisa siyaasada ama xaalada maraykanka ee soomaaliya.
Cadaado.net Muqdisho

