Skip navigation.
Home

Waan wada soconnaa haddana kala soconaa...

“HILBAHA AAN WADA QALANNO MIDIYAHANA AAN KALA QARSANNO”oraahdi ahayd ayey maanta waxay ka dhex muqataa culumadii waa lagu diirsaday lana magac baxay Maxkamadaha, keddib markii ay ka tageen midnimadii u suurto gelisay in muddo kooban ay uga taqallusaan ururkii sheydaanka oo shahaada la dirirka ahaa una xilsaarnaa suuq geynta culumada iyo inta ehel u ah diinta Islaamka.

Midnimada dadka u heelan u gaargaaridda dan-yarta waxay xoojineysaa imaanka inta jecel ku noolaashada waddan xur ah oo maamulkiisana ku saleysan yahay inta ay qabto kuna tilmaaman shareecada Islaamka.

Wixii ka dambeeyay dagaalkii garadarrada ahaa oo xabashida ay waddanka ku soo qaadeen,waxaa mar waliba soo kordhaayay kala daadsanaan laga dareemayay halgamayaalkii Maxkamadaha, ayadoo cadawga uu adeegsaday ereyo ay ka mid yihiin qunyar u socod iyo xagjir,taas uu ku kasbaday in culumada dhexdooda ay kala shakiyaan keddibna ay la baxaan magacyo ka turjumaayo in
midnimadoodii ay ku dambeysay hal bacad lagu lisay.

Waxaa habboon in culumada mar waliba ay maskaxda ku hayaan in cadawgooda gudaha iyo dibaddaba ku dadaalayaan sidii au mid-mid uga taqallusi lahaay sida haatanba dhacday in meel cidla ah laga helo macallinka mujaahidiinta Shekh Aadan Cerow, Jannatal Firdoos Allaah ha u kasee.

Geerida waa xaq,qof ajalkiisa dhaafaayana ma jiro,waxaase loo baahan yahay in guntiga dhiisa la isaga dhigo oo magacyada tirada badan oo mujaahidiinta ay la baxeen dib looga fiirsado, midnimadiina boorka laga jaffo ayadoo sida runta tahay qadiyada maanta isku kiin hayso ay ku saleysan tahay kaliya inta cadawga uu idiin muuqdo, balse dad-weynaha waxaa u ifayo markii waddanka xuroobo in laga yaabo dagaal culumada dhexdooda ka dillaaco oo ayba suurto gal noqoto in qaarkiin ayba xabashida maciin bidaan,intase xaaladda ay weli ugub tahay ayaa waxaa habboon in si xilkas nimo ku dheehan tahaay u wada hadashaan soona celisaan midnimadii la idinku yiqiinay si uu dadweynaha uga baxo qal-qalka uu maanta odorasayo,ogaadana wax aad wadajir ku soo xareyn weyseen in adan marna ku gaari doonin kala tafaraaruq.

Avv.Xussein Diiriye Afrax