Shirwaynihii RX/Sulaymaan oo si habsami ah uga socda Caasimada Cadaado
Waxaa baryahaan magaalada Cadaado ka socday shirwayne ay beesha RX/Sulaymaan uga arrinsanaysay sidii shacabka looga saari lahaa dhibaatada daashatay ee dhinacyada nabadgalyada, maamulka, waxbarashada iyo caafimaadka.
Waxaad halkaan ku aragtaan sawirka aqoonyahanno reer Xaaji Sulaymaan ah oo qurbaha uga yimid in ay shirka ka qayb qaataan, kana degaya Airporka weyn ee Caasimadda cadaado.Ujeedooyinka shirkan loo qabtay ayaa waxaa ugu muhimsan sidii deggaanka baaxadda weyn ee beeshu degto maamul iyo kala danbayn loogu samayn lahaa. Arrintaan ayaa waxaa abaabulkeeda iska kaashaday odayaasha dhaqanka beesha RX/Sulaymaan,ganacsatada,Culumada,dhalinyarada, Qurbejoogga iyo dhammaan waxgaradka beesha oo ka daalay dhibaatada dabada dheeraad ee Somalia ku habsatay.
Maamulka la rajaynayo in looga dhawaaqo magaalada caasimadda ah ee cadaado ayaa waxaa kaloo looga gol leeyahay sidii shacabka shistay u heli lahaayeen nabadgalyo iyo kala danabyn, isla markaas nabadgalyo ugula noolaan lahaayeen beelaha kale ee dariska la ah deggaan maamulkani quseeyo iyo Somaalia guud ahaan.
Aqoonyahan ka mid ah ragga shirkan daadihinaya oo aan qadka telefoonka kula xiriirnay ayaa noo xaqiijiyey in maamulkani noqon doono mid ka madax banaan siyaasadaha iska soo horjeeda ee dalka ka jira, isla markaas uu yahay mid ay dhisteen shacabka uu quseeyo ee deggaanka RX/Sulaymaan.
Dhammaan shacabka RX/Sulaymaan iyo guud ahaan umadda Somaaliyeed ee nabadda jecel ayaa laga rajaynayaa in ay taageeri doonaan maamulka cusub ee dhawaan ka curan doona deggaanka beeshani degto. Waxaa shacabka Soomaaliyeed loo ballan qaadayaa in maamulakani noqon doono mid u adeega danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed kana qayb qaata sidii shacabka Soomaaliyeed uga bixi lahaa dhibaatad daashatay.
Gawaaridii lagu soo dhaweeyey martiga shirka iskugu timid iyo odyaasha Golaha Guurtida oo si fiican u soo dhaweeyey qaar ka mid ah martida. Waxaa shirka ka soo qaybgalay wufuud ka kala socota dalalka qurbaha, iyo dhammaan deggaanka RX/Sulaymaan,iyo waliba wefti kale oo ka yimid magaalada xamar.
FG: Waxaan idin xasuusinaynaa in ay dhammaan gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ka jiraan abaaro ba'an oo dad iyo duunyaba dhibaatooyin fara badan u gaystay. Waxaa shacabka deggaanka RX/Sulaymaan soo gaaray taageero aan ku filayn dhibaatada jirta ee Abaaraha, waxaana dhammaan ganacsatada,Qurbajoogga iyo ciddii wax ka tari karta dhibaatada abaaraha laga codsanayaa in ay shacabka deggaanka u gurmadaan.
cadaado.net
Abdulqadir Elmi

