maxamed Dheere hadalkiisii maxaa ina Yeey ka yiri?
Dabadhilifka sheegta Gudoomiyaha gobalka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa si kulul uga jawaab celiyay hadal kasoo yeeray dabadhilifka kale ee sheegta ra’isul wasaare ku xigeenka dowladda federalka ahna wasiirka warfaafinta iyo Isboortiga Axmed Cabdi Salaan Xaaji Aadan oo uu ku sheegay in maamulka gobalka Banaadir is badal lagu sameyn doono.
maxamed dheere ayaa yiri“Horta Axmed Cabdi Salaan ma ogyahay in uu ka yimid kun kiilo mitir kakor uuna talada gobalka Banaadir sidaas uga fog yahay” ayuu si kulul u yiri gudoomiyaha gobalka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Dheere) oo ka jawaabayay hadalkii kasoo baxay Axmed Cabdi Salaan.
“Dowladdu waa mid federal ah, Axmed Cabdi Salaana waxaa uu talada gobalka Banaadir kala mid yahay, wasiirka Daarood, kan Digil iyo Mirifle iyo midka Isaaq, waxaana maamulka gobalka mas'uulka ah dadka gobalka dagan” ayuu yiri Maxamed Cumar Xabeeb Maxmed Dheere.
Hadaba, mar haddii dabadhilifyadii sheeganayey in ay ka wada tirsanyihiin kooxdsa Mbagathi sidaas idaacadaha iskaga aflaagaydanayaan, dawlad ma lagu sheegi karaa kooxda madiidinka u ah Tikreega ee ina Yeey hor joogaha ka yahay?
Jawaabtu waa maya, dhaqan dowladeed, garasho Somaalinimo iyo aqoon diineed intaba waa ka qaawan yihiin.
Axmed C/salaan walaalkiis oo la dilay ayuu xataa duugtiisa tagi waayey, Dilkii walaalkiis ayuu ka hadli waayey, Degaankii uu ku dhashayna ma tagi karo oo wuxuu maxbuus ku yahay xerada Tikreegu degganyahay ee Madaxtooyada loo yaqaan.
Maxay tahay maamulka A/salaan ka hadlayaa marba haddii aanu tagi karin deggaankii uu ku dhashay? waa hadal malagiis galay.
Dhinaca kale, maxamed Dheere ugu yaraan wuxuu reer tolkiis ka heli karaa xoogaa ku raacsan dabadhilifnimadiisa, wuxuuna awoodaa inuu ku dhuun-dhuunto deg/karaan, marka waxaa dhihi karnaa ina C/salaan waa dhaamaa marka laga hadlayo awoodda lagu dhex leeyahay Tikreega dalka haysta.
Odayaga dhiigyacabka ah ee ina Yeey dhabcan dhoosha ayuu ka qoslayaa markuu arko labadaan nin ee damiir laaweyaasha ah iskuna haysta wax aan cidina kala tashanayn, labadaan masuul ku sheeg ee u dhashay beesha Hawiye hadana uu isagu colaadda iyo isnecaybka dhex dhigay iskuna dagaalamaya u kala dhawaanshaha ina Yeey iyo Tikreega uu u keensaday inuu shacabkooda ku gumeeyo.
labada maanlaawe ee Axmed C/salaan iyo maxamed Dheere waxaa la gudboonaan lahayd in ay ina Yeey meel uga soo wada jeestaan inta aanay marin meeshii ay mareen dabadhlifyadii iyaga ka horeeyey ee horay idaacadaha uga qaylijiray.
faalada wararka
cadaado.net

