Ciidamada Ethiopia iyo dabadhilifyadooda oo goobo kala gedisan lagu weeraray
Guusha shacabka Soomaaliyeed oo soo muuqata iyo jabka kufaarta Tikreega iyo kooxda Mbagathi oo goor dhow la arki doono.
Barqanimadan maanta Mujaahidiinta Al-shabaab waxay Jidgooyo Halis ah u galeen kolonyo Baabuur Tigree ah oo ka baxay Afgooye kuna sii jeeday Baydhabo.Dagaalkan ayaa ka dhacay goobta loo yaqaan Tabeelaha oo ah inta u dhaxaysa Warmaxan iyo Wallaweyn, waxaanu socday qadar saacad ku dhow.
Dagaalkaan oo ahaa kuu ugu cuslaa ee Tikreega ku qabsada wadadaas ayaa la soo wariyey in looga dilay in ka badan 70 kufaar.
Dhinaca kalena waxaa meel u dhow Daynuunaay lagu qarxiyey gaari C/bile ah oo ay wateen maxaysatada madiidinka u ah Tikreega waxaana la soo wariyey in ay halkaas ku bakhtiyeen 8 dabadhilif oo uu ka mid yahay taliyihii ciidanka Diinsoor.
Waxaa kaloo jidka loo galay Tikree saakay ka guuray deg/Buule Burde, dagaalkaas ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Garasyaani waxaana ciidanka Kufaarta loogu geystay jab. Waxaa wararku sheegayaan in inta la hubo halkaas lagu gubay labo Uuraal oo midkood ka dhacay meel Buundo ah isagoo gubanaya, wixii ciiddan saarnaa ayaa halkaas ku halaagsamay.
Dagaalka shacabaka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ahi kala soo horjeedaan Kufaarta dalkooda qabsatay iyo kuwa u adeega ayaa sii xoogaysanaya maalinba maalinta ka danbaysa, waxaana xaqiiq ah in dalka laga xorayn doono Tikreega iyo kuwa dabadhilifka u ah ee baraxa ka daba sida goor aan dheerayn, insha Allaah.
Sidoo kale waxaa maantay shacabaka reer Hiiraan meel fagaare ah kala hadlay Col. Cumar xaashi oo ah xoghayaha arimaha gudaha ee ururka Dib u xoraynta Somalia, wuxuuna sheegay in ay haboontahay in dalka laga xoreeyo dabadhilifyada kooxda Mbagathi iyo Tikreega dalka ku qabsaday magacooda.Cumar xaashi ayaa sheegay in ay ciidanka Tikreegu dalka ka joogaan dhowr meelood oo cayiman isla markaasna uu isagu qabo in cadowga xoog dalka looga xoreeyo.
Waxaa soo muuqanaya calaamadaha guusha ee waa in shacabka soo maaliyeed u modoobaan cadowgooda diinta iyo dalka ee Tikreega iyo kooxda kabaqaadka u ah ee ina Yeey hogaamiyo.
cadaado.net

