Waa maxay kaalinta Mareykanka ee Somaliya?
Hay'ada Amnesty International ayaa ku baaqday in la baaro kaalinta Mareykanka ee Somaliya. Baaqaas oo yimid ka dib markii xulafada Mareykanka lagu eedeeyay dunuub dagaal oo ay Somaliya ka galeen. Hay'adu waxay qortay liiska falalka dunuub dagaaleedak ah ee ay Ethiopianka iyo Ciidamada dowlad ku sheegu gaysteen. Falalkaas dunuubta dagaalka oo tiro beelay, sida ku qoran waxaa sheekooyinkiisa ugu naxdin iyo calool xumo badan ka mid ah, markii gabar yar oo Somaliyeed ay Ethiopianku koox ku faro-xumeeyeen. Markii gabadha walaaladeed oo da'doodu kala tahay 14 iyo 13 ay isku dayeen in ay gacan siiyaan walaashood ayay Ethiopiankii wiilashii baynaad indhaha uga soo bixiyeen.Sii akhri Waxaa kale oo falalka dambiyed oo ay gaysteen ka mid ah: in ay dad shicib ah garwac mariyeen, haween ay koox ayaga oo ah kufsadeen iyo caruuro yar yar oo ay weerar iyo qafaalba u gaysteen.
Amnesty ayaa ku baaqday in guddi caalami ah loo saaro baaritaanka dunuubta dagaaleed ee Mogadishu ka dhacday iyo waliba kaalinta ay dalalka kale ee militari iyo dhaqaale ay u gaysteen kuwa masiibadan masuulka ka ah.
Ciidamada Mareykanku waxay tababar siiyeen kuwa Ethiopia ee falkan Somaliya ka gaystay, waxaa sidaas o kale ay Mareykanku siiyeen hub iyo saanad militari ciidamda Ethiopia.
Ka dib markii Apriltii hore ee tagtay sidan oo kale ay ciidamda Ethiopia iyo kuwa dowlad isku sheegu ay falal dunuub dagaal ah ka gaysteen Mogadishu, ayaga oo madaafiic ku asqeeyay dhul baahsan oo dad shicib ahi degan yihiin, ayaa garyaqaanada Yurub, ka fiirsanayeen in dhaqaale siinta Ethiopia iyo Somaliya ay Yurub ka dhigayso dambi kalkaale iyo taakuleeye falalka dunuubta dagaal. Wixii ka soo baxay ka fiirsigaas garyaqaanadu waa mid aan ilaa hada la aqoon waxa natiijadiisu tahay.
Weerarada Militari ee shicibka magaalada Mogadishu lagu qaadayo waxay caasimada ka dhigtay magaalo aanay cidi ku harin ama ghost town sida warbixintu qortay. Qiyaas tiro dad ah oo ka badan 700,000 ayaa caasimada isaga baxay oo ka firxaday - ayada oo dadka magaalada ku nool markii hore lagu tirinayay qiyaas
1.5 million. QM waxay qiyaastay in dad ku dhaw 2.6 million ay u baahan yihiin gargaar bani'adminimo.
Wararka Cadaado.net

