Skip navigation.
Home

Maamulka Puntland oo shacabka Ogaden ka iibsanaya Ethiopia

Puntland iyo ogadeen
 
Shacabka Ogaden oo ah shacab Soomaaliyeed oo neceb gumaysiga Ethiopia ayaa waxay baryahaan dhibaato kala kulmeen ragga gumaysiga u adeega ee xukuma maamulka la magaca baxay Puntland.

Shacabka Ogaden oo ah shacab aqoon weyn u leh gumaysiga madoow ee Xabashida ayaa caan ku ah u dagaalanka xoriyadooda iyo taageerida Diinta islaamka. Taageerada shacabka Ogaden u hayaan diinta islaamka ayaa waxaa daliil u ah sidii ay u marti galiyeen madaxda Golaha Maxaakiimta Soomaaliyeed xilligii ay ka soo baxeen magaalada xamar.

Waxaa kaloo xasuus mudan sidii shacabka Ogaden cadowga gaaladu ugu dhibaateeyey gargaarka ay u hayaan diinta Islaamka, waxaa dhibaato weyn loo gaystay degaankooda, culumadooda iyo waliba xoolohooda oo cadowga maraykanku diyaarado ku garaacay.

Waxaa arin laga xumaado ah in rag sheeganaya in ay Soomaali yihiin, muslimiina yihiin in ay shacab Soomaaliyeed Ethiopia ugu gacan galiyaan, sabab la xiriirta in ay xoriyadooda u dagaalamayaan, diinta islaamkana taageersanyihiin.

Reer Puntland waxaa shacabka Soomaaliyeed uga fadhiyaan in ay iska qaadaan heeryada gumaysiga, ragga madaxda sheeganaya ee gumaysiga u adeegana dhulkooda ka saaraan.Haddii aanay reer Puntland tilaabo adag ka qaadan falka shacabka Somaaliyeed loogu iibgaynayo Ethiopia waxay noqon doonaan kuwo raali ka ah waxa ay ku kacayaan madax ku sheegga Puntland.

faalada wararka
cadaado.net