Skip navigation.
Home

Maamulka Ximan iyo Xeebaha oo looga dhawaaqay Cadaado

Waxaa saakay magaalada caasimada cadaado lagu ansixiyey maamul baaxad weyn oo ay dhisteen shacabka deggaanka beesha RX/Sulaymaan.

Maamulkan ayaa wuxuu ka koobanyahay labo Gobol oo waaweyn waxaana loo BIXIYEY MAAMULKA XIMAN IYO XEEBAHA.

Maamulkan ayaa waxaa saacad ka hor lagu ansixiyey hoolka shirarka ee magaalada cadaado oo uu baryahaanba ka socday shirweyne ay isugu yimaadeen dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada deggaanka maamulku quseeyo iyo aqoonyahanno ka kala yimid dalalka Europe iyo waqooyiga America.

wixii faah faahin ah kuna saabsan Qaabka dhismaha maamulka,masuuliyiinta maamulka iyo ujeedooyinka maamulka waxaan idiin soo gudbin doonaa kadib marka ay Golaha Guurtida deegaanka iyo masuuliyiinta Golaha Fulintu warbaahinta la hadlaan.

Guul ayaan u rajaynaynaa maamulka cusub ee looga dhawaaqay deggaanka beesha RX/Sulaymaan.

cadaado.net