Jaaliyadda RX/Sulaymaan ee Qurbaha oo hanbalyo iyo taageero u diray maamulka Ximan iyo Xeebaha
Annagoo ah jaaliyadda u dhalatay deggaanka Ximan iyo Xeebaha ee beesha RX/Sulaymaan waxaan hanbalyo iyo taageero u diraynaa maamulka looga dhawaaqay deggaanka beeshu degto iyo masuuliyiinta loo magacaabay.
Waxaan masuuliyiinta loo magacaabay in ay hoggaanka u qabtaan maamulka Ximan iyo Xeebaha iyo guud ahaan shacabka beesha RX/Sulaymaan ee maamulka dhistay u soo gudbinaynaa taageeradeena iyo kalsoonideenna, waxaana leenahay u adeega danaha dalka iyo diinta annaguna haddii aan nahay jaaliyadda beesha RX/Sulaymaan ee ku nool dalka dibadiisa sida dalalka carabta, Afrika, Europe, canada iyo Maraykanka waxaan si buuxda u garabtaaganahay maaamulka lagu samatabixinayo dadkeena ee looga dhawaaqay deggaanka Ximan iyo xeebaha.
GUUL IYO HORUMAR AYAAN IDIIN RAJAYNAYNAA
Jaaliyadda beesha RX/Sulaymaan ee Qurbaha
cadaado.net

