Golaha dhaqanka Midnimada Beelaha Hawiye oo Maanta Cambaareeyay
Golaha dhaqanka Midnimada Beelaha Hawiye oo Maanta
Posted to the Web 29 Jun 08, 17:33
(Warkan waxaa ay Cadaado.net ka soo minguurisay Cadaado.com)
KU:Beesha Caalamka
Ujeedo:Canbaareeyn ku wajahan Dowladaha Tanzaaniya, Konfur afrika iyo Dowlada Liibiya
Sida lawada ogyahay dalka soomaaliya waxaa mudo 18-sano ah ka socday dagaalo midabo kala duwan leh, kuwaasoo shacabka Soomaaliyeed ku qasbay in ay ka cararaan deegaanadoodii ayagoo maciin biday Dunida gaar ahaan Dowladaha Afrika.
Waxaa nasiib daro ah in ayadoo shacabka Soomaaliyeed uu ku socdo Duulaan ay hogaaminayso dowlada Itoobiya Baabi’iyana dhamaan Noloshii aasaasiga ahayd ayaa Dowladaha Tanzaaniya,Konfur afrika iyo liibiya ay kula dhaqmeen shacabkii u barakay sida soo socota.
1-Dowlada Tanxaniya waxaa xabsiyadeeda buux dhaafiyay in ka badan (5000) oo qof oo Qaxooti Soomaaliyeed ah kuwaasoo ku dhibaataysan xabsiyada looguna gaysto jirdil, laguna fasho beeraha, ficiladaas foosha xun lidkana ku ah xaquuqul aadanaha iyo tan qaxotiga aduunka ayay dowlada Tanzaniya ku raali galinaysaa Dowlada Itoobiya ee Xooga ku haysato Dalka Soomaaliya.
Waxaa taa ka sii daran in Dowlada Tanzaniya ay shacabka Soomaaliyeed oo ay Ciidamadoodo dileen ayna diideen in la’aaso oo Mudo 10-Casho ah ay banaanka yaaleen Meydadkooda.
2-Dowlada Konfur afrika oo xeryo ku uruurisay Shacabkii Soomaaliyeed ee u barakacay Dalkeeda, iyadoo aan xeryahaas ku daryeelin una diiday in ay ku wareejiso Hay’ada Qaxootiga Aduunka ee (UNHCR)una diiday in la geeyo meeshii ay nolol ka helayaan oo aduunka daafihiisa ah.
3-Dowlada Liibiya oo iyana xabsiyadeeda ay Buux dhaafiyeen shacabkii Soomaaliyeed ee ka cararay dagaalada, iyadoona u diiday in dalkeeda ku joogaan Qaxootinimo ayna xabsiyadeeda sanooyin ku jireen shacab Soomaaliyeed oo Naftooda lasoo cararay.
Sidoo kale wuxuu Golaha dhaqanka iyo Midnimada Hawiye Cadeynayaa in Dowlada Itoobiya habeenkii xalay ahaa Taariikhduna ahayd 28/6/2008 Xasuuq ba’an ka gaysatay goobo cusub oo ay ka mid tahay Degmada Guri-Ceel ee Gobalka Galgaduud, halkaas oo ay madaafiic aan loo meel dayin ku Garaaceen Gudaha degmadaas, iyadoo halkaas ay ka barakeceen shacabkii ku noolaa, kuwaas oo horey qaarkood ka barakacay Magaalada Muqdisho.ayadoo dhibaatadaas loo gaysano shacabka Soomaaliyeed oo aan lahayn qaran Soomaaliyeed, waxaana masuuliyadaas qaadayo kuwa sheeganayo dowladnimada kuna shirtaga, kuwaas oo aan marna ka hadlin dhibaatada dadka Soomaaliyeed ku haysata daafaha aduunka.
Baaq
1-waxaan ugu baaqaynaa Dowladaha Tanzaaniya iyo Liibiya in ay Qaxootiga Soomaaliyeed ee ka buuxa xabsiyadooda ooda ka rugaan kana joogsadaan dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed ee Tabaalaysan halka dowlada Konfur Afrika aan ugu baaqaynaa in qaxootiga Soomaaliyeed ku wareejiso Hay’ada (UNHCR) sida uu qabo xeerarka Caalamiga ah ee Qaxootiga aduunka.
2- Waxaan ka Codsaneynaa beesha Caalamka (UN,AU,EU,Jaamacada carabta iyo Ururka Islaamka iyo Hay’adaha u dooda Xaquuqda Xaqootiga inay hor istaagaan tacadiyadaas ay gaysanayaan Dowladahaas iyo in ay ooda ka qaadaan shacabka Soomaaliyeed ee sida macna darada ah uga buuxa xabsiyada Dowladahaas.
3-waxaa taariikhda gali doono shacabka Soomaaliyeedna Xasuusan doonaa Dowladaha sida xun ula dhaqmay iyo kuwa ku soo dhaweeyay Dalalkooda haduu alla idmo dunidana kalama maaranto.
Wabilaahi Towfiiq
Maxamed Hasan Xaad
Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo midnimada Hawiye


