dagaal ka socda Matabaan iyo ciidanka Ethiopia oo isku dayeya in ay cagahooda ku baxsadaan
warar aan ka helnay deg/matabaan ayaa cadaado.net loogu sheegay in xoogagga Mujaahidiinta Soomaaliyeed ay dagaal ku qaadeen ciiddankii Ethiopia ee ka soo cararay deg/Guriceel iyo in ciidanka Kufaarta Ethiopia ay isku dayeen in ay cagahooda ku baxsadaan kadib marki mujaahidiintu ku qaadeen dagaal Takbiir wata.
Mujaahidiinta Soomaaliyeed ayaa dhaar ku maraay in ay ciiddanka Kufaarta Tikreega u dhigi doonaan cashar aanay waligood Illaawi doonin waxaana kadib markii ay Tikreegu isku dayeen in ay deggaanka Galgaduud ka soo baxsadaan dhexda ku helay ciiddan markii horeba halkaas loogu diyaariyey.
Ilaa iyo hadda ma cadda xaaladda dagaalka ee degaanka Matabaan waxaase wararku sheegayaan in ciidanka Mujaahidiintu ay waqtigaan baacsanayaan kufaarta asnaamta caabudda ee Ethiopia laga keenay.
Wararkeena danbe ayaan shacabka Soomaaliyeed ugu soo gudbin doonaa hadba wixii ku soo kordha dagaalka dalka looga xoraynayo Ethiopia iyo damiir laaweyaasha ina Yeey madaxda u yahay ee reer Mbagathi.

