Skip navigation.
Home

1da Luulyo oo aan dalka Somalia laga xusin

a/yuusufyeey
 
Shacabka Soomaaliyeed waxay 1da Luulyo oo ah maalintii 48 sano ka hor ay gobolada koofure ee Somalia ka xoroobeen gumaysigii Talyaaniga sanadkan ku xuseen baroor diiq iyo ku hoos noolaanshaha gumaysiga madoow ee Ethiopia oo ay dalkooda inuu cag soo dhigo u diideen in ka badan 500 oo sano.

Waxaa nasiib darro ah in ninka aad halkaan sawirkiisa ku aragtaan ee ina yeey uu maantay noqdo shaqsigii ugu horeeyey ee isagoo sheeganaya madaxweyne Soomaaliyeed hadana ku faanaya inuu dalkiisa galiyey gumaysigii ugu xumaa ee umadda Soomaaliyeed abid soo mara.

C/lahi Yuusuf wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyey oo dalka Ethiopia u carara isagoo ujeedadiisu tahay inuu qarankii Soomaaliyeed u gumeeyo Ethiopia si mar uun isaga loogu yeero Madaxweyne.

Wuxuu ina Yeey ahaa ninkii ugu horeeyey ee Somalia ka aas aasay jabhad qabiil ku salaysan, isla markaasna ciidda Somalia ka taagay calankii ugu horeeyey ee Ethiopia, waxayna ahaayeen magaalooyinkii ugu horeeyey ee uu calanka Ethiopia ka taagay magaalooyinka Ballanbal iyo Galdogub.

Waxaas oo dhan waxaa ka daran in maantay C/lahi Yuusuf uu ku faanayo in uu dalkii Somalia soo galiyey una yeertay cadowgii taariikhiga ahaa ee diinta Islaamka iyo shacabka Soomaaliyeed lahaayeen 1000kii sano ee la soo dhaafay.

Maantay xarumihii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxay musqulo u yihiin ciidanka Ethiopia ee dalkeena haysta, ina Yeeyna wuxuu ku faanayaa inuu arrintaas isagu ka danbeeyey dalkana uu isagu soo galiyey gumaystaha madoow ee Ethiopia.

Waxaa kaloo wax laga xumaado ah in dad Soomaali sheeganayaa ay arrintaas ina Yeey ku taageersanyhiin iyagoo badankoodu u haysta in qabiilkoodu ka faa'iidayo qabsashada dalka Soomaaliya ee Ethiopia. Waxaa kaloo wax laga xumaado ah in culumada iyo inta badan shacabka u dhashay Gobolka Puntland ee ina yeey ka soo jeedaa aanay C/lahi Yuusuf ku dhaleecayn ficiladiisa qarandumusnimada ku salaysan, diinta islaamkana lidka ku ah.

Waxaa iska cad in inta badan shacabka Soomaaliyeed ay qabiilka diin ka dhigteen inkastoo ay afka Islaamnimada ka sheegtaan, waxaase in lays xasuusiyo mudan in dhibaatada ugu weyni ku dhacayso kuna dhici doonta hadba beesha uu ka soo jeedo danbiilaha dalkiisa iyo diintiisa qiyaanay iyaguna ay qabiilka u dabajoogaani.

1da Luulyo waxaan leenahay, raali iska ahoow,waxaan Ilaahay ka rajaynaynaa in sanadka soo socda waa cusubi kuu baryi doono, aadna dabaal dagi doonto adigoo ka xoroobay kuwii awoowayaashood Talyaaniga dalka Keeneen, haatanna dhashoodii Ethiopianka baraxa iyo biyaha wali ka daba sidaan.

Faalada warkeena oo aan maantay ugu baroor diiqnayno 1da Luulyo sanadka 2008 waxaana ku soo gunaanadaynaa in shacabka Soomaaliyeed ee wadhaniyiinta ahi ay sii kordhiyaan jihaadka ay dalkooda uga xoraysanayaan cadowga diinta islaamka ee Ethiopia iyo dabadhlifyada ina Yeey madaxda u yahay ee baalka madoow ka galay taariikhda umadda Soomaaliyeed.

cadaado.net
1da Luulyo 2008