Dagaal ka ka socda Degmada Baladweyne
Wararka naga soo gaaraya magaalada baladwyane ayaa sheegaya in subaxnimo ayay Mujaahidiinta Soomaaliyeed weerar gaadmo ah kula beegsadeen Ciidamada Gumeysiga Itoobiya halka lagu magacaabo “Buuraha Qowlada” oo horey u ahaan jirtay xero milatari kana tirsan Gobolka Hiiraan.
wararka ayaa intaa ku daray in weerarkani uu bilowday ka dib markii ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee fariisinka shalay ka sameystay Isgoyska Kalabeyr ay saaka u soo guureen dhinaca Fariisinka Jantakundisho oo 5KM u jira Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan isla markaana ay soo dhaafeen halka lagu magacaabo “Ceel-gaal” Dagaalkan oo wali socda ayaa daryanka madaafiicda la isweydaarsanayo waxa laga maqlayaa gudaha iyo Daafaha Magaalada Baladweyne lamana sheegi karo illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray Ciidamada Gumeysiga Itoobiya.
Gaadiidka ay wataan Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ayaa lagu qiyaasayaa dhowr iyo toban Ural iyo Booyado, waxaana wararku sheegayaan noo xaqiijiyeen in shalay ay magaaladaasi yimaadeen 8 ural oo wada dhaawacyo iyo Maydad itoobiyaan ah.
Mujaahidiinta Soomaaliyeed ayaa go'aansaday in aanay dib danbe ugu ogolaan in ciidanka cadowga Itooba dalkeena dib ugu soo noqdaan. Waxaa mujaahidiinta ka go-an in magaalo kasta ee laga xoreeyo Itoobiyaanka laga difaaco si aanay dib ugu soo noqon.
cadaado.net

