Skip navigation.
Home

CAANA GEEL:HALKAN ILA EEG

Halka nalaka hayo, hal uu adeejay, hal u adeega

Hal haatuf sheegay, hal la eegtay, hal ay ka heleen

Hal hal ka goo, halna u gee, hal run ka sheeg

Hal kula lihi, hal kali lihi, halka u danbaysa

Hal na dilooday, halka ka heray, hal ku haminaya

Hal hal dilaya, hal wadar dilaa hal aan hanbaynin.

Maqaalkan jacburkaa dhinacyo badan oo siyaasadda Soomaaliya ayaan ku eegaya, halkaan ka bilaabay oo ah halka nalaka hayo, waxaan aaminsanahay siyaasadda Soomaaliya inay la saldhigi la dahay saamenta Mareykanku ku leeyahay oo runtii ujeedkiisa siyaaso mid cad oo halbeeg lagu cabiro uusan ahayn, waxaase muuqata hal uu adeejay iyo hal u adeega Zenawi iyo C/laahi inay fashilmeen , laba arrimood baana arrinta Mareykanka lagu xalin karaa inta diidan inay tiraa gacantaadan goyn Karin waa la dhunkadaa oo la yiraa oday sidaa wax u rabto sheeg, wadada kale ee furani waa halgan dheer in la wajaho oo lagu sugayo caqiidada iyo jiritaanka dalka iyo dadka , wixii intaas u dhaxeeya waa meelna diidnaye ka masalo bixi.

Hal haatuf sheegay nuxurka aan ula jeeday waa TVga Foxs news ayaa sheegay in ciidamadii Gurceel iyo Mataban weeraray muddo laba sano ah Goday lagu tababaray, loona qorsheyey inay goboladda dhexe hubka ka dhigaan , balse atooraha killinka lixaad C/laahi arrintaasi waxuu la eegtay shan degmo oo uu deegaankas hub ka dhigista lagu samaynayo uu u magacaanbay, xafladaii degmooyinkasna waxuu ka dhigay yixdu midey ku taal iyo Yatiin aan itaal qabin in la laayo, xaqiiqda ujeedada kuxigeenka Gabre waxay ahayd halkii Sayid Maxamed ka yiri ‘ waxay noo duleesheena waa doora waynahe’waxaase xamdi Alle ahaa in raggi intaas la abaabulayey ay ka raacday darsi adag ma kuu dhigay oo aad dib uga sheekayso .

Hal hal ka goo waxaan ula jeeday markaan arkay warka Foxs news ee ah howlgalkii hubka dhigista goboladda dhexe, aana arkay shirkii Jaraa,id ee safiirka Mareykanka u fadhiya Itoobiya uu ku amaanay howlaha Itoobiya Soomaaliya ka wado, dhagaystayna in ciidankii gurmadka u ahaa Itoobiya ee Afrikaanka shirkii Sharmasheel uu lix bilood ugu darey, markaan xansadey in Sheekh Shariif haatan ku howlan yahay bal in aagaga dadku dagan yihiin laga saaro ciidanka Itoobiya, waxaa ii soo baxay in dalalkan Itoobiya inay saaran ka sugaynayn inay howlo kale ku mashquulsan yihiin, sidaa darteed isu gaynta nuxurka shirka Jabuuti eber, halka runni ku cadan doonto ay tahay marka xilliga la sheegay la gaaro iyo wajiga saddexaad ee shirka, abwaan Gaariya maanso uu tiryey waxaa ku jiray’ ma diido la soo qor qoray, ku daabacan baal madow, ku daawadey meel mugdiya, waxaan duluc sii ridnayn, indhuhu ku daraan dareen’

Hal kula lihi waxaan u jeeday sidda qaynuunka xukuumadii Nayroobi lagu soo dhisay qabto dalku waa federal,waxaase haatan saxadda siyaasadda taagan meeshii Soomaalidu ka tiri taada kula lihi tayduna ii gaar, Puntland teedu u gaar tan koonfur inteeda kalana wax ku leh, qaynuun garab mar mooyee raggii hankaas ku soo howl galay waxay faleen wax aan caqli wax gartaa miisaami karin, hadaan cullimo saxadda siyaasadda ku jirin in dib baa loo noqonaya ay ka dhacdaan laga cabsi qabay , hadase nin diin lihi dekano ma qabiileeyo.

Hal na dilooday, waxaan ula jeeday siyaasadda qabyaaladeysan , Soomaalidu waagii hore waxay lahaan jirtay afar doone ma daale, Suldaan miiganoo H/awal ahaa dhimashadii Cigaal kadib markay arkeen ragguu ka tagay mahiiganka Garxajis ee mansabka u taagan, H/jeclaha leh waa kal keeni oo labadiina kale xil horaad u soo qabateen, ayeey goosteen inay Somaliland saldanadda hoos geeyan waana tan ninka Makaahil mudane Riyaal madaxda ku yahay, boqor muraadle oo Majeerten Maxamud Saleeban ah ahaa isaga wali waxbaa u dhaqan markii masraxa ay si kale ku hanan waayeen dalkiibay dalka kale hoos geeyen, sidaas bayna madax ku yihiin, USC baa Soomalaiwayn dhaqankii maleeshiyadooda uga caroodeen hadda waxa dhacay mar danbe inaan masuuliyad lagu aaminin boqor Muraadlay bay keenin, Ugaas mintid oo H/gidir Sacad ah ahaa, halgankii hubaysnaana hal kama macaashin, labadii jeer ee xilka loo tartamayna waa laga dhibco badiyey, malaaq mashalaaye oo Abgaal wacaysle ah ahaa markuu arkay zuuga Harti Abgaal dib bay u dageen waana qoladda haatan ugu taladda roonoo suuq bacaad bay hanti ku tabceen, ogow aqoon iyo xoolo hadaad hayso marka miyirku soo laabto taladda cidina kaama xigto,waaxase siyaasad qabiileedka horumarkeeni dishay xayndaabkeeda naga saaraya halganka diiniga ee socda.

Hal hal dilaaya waxaan ula jeeday mar haddii hal asasiino lagu dilo, hal madfac amxaaro lagu dilo, hal waxuu garto loo dilo, hal waxuu haysto loo dilo, hal siyaaso guracan lagu dilo iyo hal qaxay iyo hal qax u taagan aan noqono sow arrin ma ahan’ kumanaan shabaab ah baa ku jabay sheeko aan jirine, shan malyuun haddii layska dilay dhiigna shalax leeyay, haddii mowdka sheedaas la waray aad shinidda moodid, Shiinaha miyaan nahay ragoow qaranka yaa sheegan’.

WQ CAANAGEEL.