Skip navigation.
Home

Ciidanka Mujaahidiinta oo saakay G/Hiiraan dagaal kula galay Kufaarta Ethiopia

Saaka waabarigii hore ayay mujaahidiinta Midowga Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed waxa ay weerar kadis ah la beegsadeen Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo marayey halka lagu magacaabo Buurta “dib gab” oo ku taala inta u dhaxeysa Fariisinka Kalabeyr iyo Magaalada Feer feer ee dhulka s/galbeed.

Afahayeenka Ciidamada MMIS C/raxiim Ciise Cadow oo u waramay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in 8 ural oo saaka waabarigii hore ka soo ruqaansatay Fariisinka Jantakundisho ay weerar gaadmo ah la beegsadeen isla markaana ay ka gubeen 4 ka mid ah Uraladaasi ka dib dagaal socday mudo 30 daqiiqo ah. C/raxiim isaga oo ka hadlaya arintaasna waxaa uu yiri “Ciidamada Cadowgu waxa ay ka dhaqaaqeen iyaga oo wata 8 gaari Jantakundisha, iyaga oo wada dhaawac fara badan iyo Bakhtigii soo ka soo gaaray maalintii aan iska hor nimid dagaaladii 3-dii bishan, mujaahidiintu sidii ay wacadka ku mareenba waxay ugaleen wadada meel ku dhaw Jawiil oo la yiraahdo Dib gab ayay kamiin qorshaysan oo ay aad uga shaqeeyeen illaahay S.W uu waafajiyay ayay u galeen siddeedii gaari waxay la hareen oo ay goosteen 4-tii gaari ee ugu danbeysay 30 daqiiqo ayaa waxaa ku socotay xabadii iyaga oo aan fursad u helin marnaba xaataa in ay hal xabad soo ridaan ugu danbeyntiina 2-adii gaari ee ugu danbeysay in ay halkaasi ku basbeesho oo ay baabi’iyaan wixii saarnaana wax nool aysan ka soo harin, illaahay S.W Mahadiis weeyaan”.

Afahayeenka oo sidoo kale ka hadlayay khasaaraha dhinacooda soo gaaray ayaa yiri”Mujaahidiinta wax halkaasi ka soo gaaray ma jiro”. Waxaana uu intaa raaciyay “waxaa dhamaaday xiligii ay iska dhex mushaaxi lahaayeen oo ay si nabad galyo ah ku mari lahaayeen gudaha insha allaahu Tacaalaa”. Dhinaca kale dadka deegaanka Jawil ayaa xaqiijiyay in ciidamada Gumeysiga Itoobiya la soo gaarsiiyay saaka khasaare culus iyada oo aysan illaa iyo hadda jirin wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Ciidamada gumeysiga Itoobiya oo la xiriira in baabuurtaasi laga gubay ka dib markii ay Mujaahidiinta weerar dhabo gal ahi la beegsadeen. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ayaa isbuucyadii ugu danbeeyay waxa Gobolada G/Gaduud iyo Hiiraan ku qabsaday dagaaladii ugu kharaaraa oo lagula beegsado meel gobol ah iyada oo 92 ay maalin kaliya ka bakhtiday.

Xoogagga mujaahidiinta soomaaliyeed ayaan dheg jalaq u siin heshiiskii jabuuti inta ay ciidanka kufaarta Ethiopia dalka joogaan, waxayna ka midaysanyihiin in Jihaadka la sii kordhiyo inta dalka laga xoraynayo cadowga Ethiopia ee ku soo duulay iyo adeegayaasha Kufaarta ee reer Mbagathi.

cadaado.net