Dagaal saakay ka dhacay caasimada Ximan iyo Xeeb
Warar aan ka helanay Magaalada Cadaado ayaa noo xaqiijiyey in saakay dagaal ka dhacay magaalada gudaheeda ayna ku dhinteen 3 qof halka ilaa 6 kalena ku dhaawacmeen.
Dagaalka ayaa wuxuu ka dhashay muran ku saabsan dhul laysku haystay, waxaana wararku sheegayaan in dagaalku dhacay kadib markii dhulkii laysku haystay loo xukumay mid ka mid ah labo ganacsade oo reer cadaado ah in muddo ahna dhulka isku haystay.
Wararku waxay sheegayaan in dhalinyaro qaraabo hoose la ah ninka dhulka laga xukumay ay soo weerareen dhulkii laysku haystay kadib markii ninkii loo xukumay uu isku dayey inuu dhisme ka bilaabo dhulkaas.
Sadexda qof ee dhimatay ayaa waxay iskugu jiraan nin ka tirsanaa dhalinyaradii weerarka soo qaaday, nin ka tirsanaa Boliiska maaamulka Ximan iyo xeeb iyo qof kale oo rayidka magaalada ka mid ah.
Arrinta ayaa waxaa hadda gacanta ku haya maamulka iyo maxakamada magaalada Cadaado waxaana la filayaa in tillaabo sharci ah laga qaadi doono cidkasta oo danbiga dagaalka saakay cadaado ka dhacay ku caddaado.
Waxaan akhristeyaasha bogga Cadaado.net u xaqiijinaynaa in aan waxba ka jirin wararka sheegaya in cadaado ay ku dagaalameen labo beelood iyo uu dagaalku ahaa mid dhaafsiisan arrinta dhulkaas laysku haystay.
cadaado.net

